Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan oo dalab culus oo ku aadan Cunaqabataynta Hubka Soomaaliya ...

Madaxweyne Xasan oo dalab culus oo ku aadan Cunaqabataynta Hubka Soomaaliya u gudbiyay Mareykanka(Sawiro)

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan dalka Mareykanka ayaa kulamo gaar gar ah ka wada magaalada Washington, wuxuuna Mareykanka hordhigay dalab culus oo ku aadan cunaqabateynta hubka ee lagu kordhiyay Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ka qeyb galay Shir-madaxeedka Iskaashiga Afrika iyo Mareykanka ayaa xalay kulan doceed la yeeshay Safiirka dowladda Maraykanka ee Qaramada Midoobey Marwo Linda Greenfield. 

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ka hadlay saameynta ay dagaalkan ku leedahay cunaqabateynta dhanka hubka ee saaran Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa diblumaasiyadda Mareykanka ka dalbaday in ay codkooda Golaha Ammaanka iyo Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ay ku xoojiyaan qorsheyaasha dib u dhiska ciidamada Soomaaliya, qaadista cunaqabateynta hubka, ka hortagga isbeddelka cimilada iyo dib u dhiska deegaannada laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa xalay kulan kale la yeeshay Xoghayeyaasha Arrimaha Difaaca iyo Dibadda ee dalka Maraykanka, kaas oo ku aadanaa xasilloonida Gobolka iyo isku xirka arrimaha gargaarka.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Nayjar Mudane Mohamed Bazoum, ayada oo kulanjka lagu soo qaaday dhibaatada argagixisadu ay ku hayso horumarka iyo xasilloonida qaaradda Afrika.

Ad
Previous articleGudoomiye Aadan Madoobe oo Munaasabad soo dhaweyn ah loo sameeyay Degmada Xudur Xili uu abaabul ka Dhan ah laftagareen Halkaas ka wado(Sawiro)
Next articleWar DEG DEG AH: Alshabaab oo Weerar Qaraxyo ku Bilowday ku Qaaday Isbitaalka Xooga ee Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here