Home Wararka Maanta Madaxweyne Qoorqoor oo ka hadlay doorashada Golaha Shacabka ee soo dhamaatay

Madaxweyne Qoorqoor oo ka hadlay doorashada Golaha Shacabka ee soo dhamaatay

0

Maamulka Galmudug ayaa soo gabagabeysay doorashada labada Gole ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa u hambalyeeyay dhammaan xildhibaannada la doortay, isagoona u rajeeyay inay kasoo dhalaalaan waajibaadka qaran ee horyaalla iyo ka shaqeynta horumarinta deegaannada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ay ka qaateen hirgelinta Doorashada Guddiyada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Hay’adaha Amniga iyo guud ahaan duubabka dhaqanka iyo shacabka Galmudug.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa balan qaaday in Galmudug ay sii xoojinayso dadaalkeeda dimuqraadiyeynta, iyo daadejinta Maamulka.

Ad
Previous articleRuushka oo dhulka la simay Garoonka dayuuradaha ee Magaalada Dnipro
Next articleDeg Deg: Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal oo Waxba kama Jiraan ku Tilmaamay Kursi Maantay La Doortay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here