Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Qoor Qoor oo War kasoo Saaray Geerida Shiikh Cabdiqani Shiikh Yuusuf

Madaxweyne Qoor Qoor oo War kasoo Saaray Geerida Shiikh Cabdiqani Shiikh Yuusuf

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa uga tacsiyeeyay bulshada reer Galmudug gaar ahaan ehelladiisii geerida ku timid Allaha u naxariistee Shiikh Cabdiqani Shiikh Yuusuf oo ka mid ahaa culimmada iyo odayaasha tiir dhexaadka u ah Galmudug, kuna sifeysnaa fidinta diinta Islaamka.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey inuu u ugu deeqo naxariistiisa marxuumka, isagoo yiri “ Waxaan ilaahey u weydiineynaa naxariistiisa waasaca ah Shiikh Cabdiqani oo runtii bulshada iyo Dowladda Galmudug-ba u ahaa tiir dhexaad, kuna tilmaamnaa kaalin walba oo wanaag, haddii ay fidinta diinta ama kaalinta odaynimo ahaan laheyd. Waxaan si gaar ah uga tacsiyeynaa dhammaan ehelkiisa iyo qarabaadiisa”

Dhammaad.

Ad
Previous articleMucaaradka Lagtagareen oo Soo Gaaray Dhuusamareeb(Sawiro)
Next articleCiidamada Darawiishata Galmudug oo Alshabaab kala Wareegay Dhul Hor leh oo ku Yaal Koonfurta Mudug(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here