Home Wararka Maanta Mucaaradka Lagtagareen oo Soo Gaaray Dhuusamareeb(Sawiro)

Mucaaradka Lagtagareen oo Soo Gaaray Dhuusamareeb(Sawiro)

0

Wafdi kasocda Isbedel doonka KGS, oo ay hogaaminaayaan Gudoomiyaashii hore ee Baarlamaanka JFS ayaa soo gaarey magaalada Dhuusamareeb .

Wafdigaan ayaa Kulan ka Dhan ah laftagareen Haatan kula Jira Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo ku sugan Xarunta Madaxtooyada Galmudug.

Waxaa Haatan Gabogabo ah Waqtigii loogu Daray Madaxweynaha Koonfurgalbeed Laftagareen Waxaan Dhawaan La filayaa inay Doorasho ka Bilaabato Magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku meel Gaar ah ee Koonfurgalbeed.

Mas’uuliyiintan hore iyo siyaasiyiinta reer Koofur Galbeed ayaa saluugsan in aanay muuqan saan-saan Doorasho iyo Hirgelinta war murtiyeedkii heshiiskii Baydhabo ee lagu xaliyay xiisadii siyaasadeed ee horaantii sanadkan ka taagneyd, kaasoo lagu go’aamiyay in Doorashada guddoonka Baarlamaanka, tan Madaxweynaha la qabto horaanta sanadka 2024.

Ad
Previous articleAnas Cabduqaadir iyo Maxamed Macalin oo Qaraxyo iyo Dilal badan ka Fuliyay Gaalkacyo oo Xukun Adag lagu Riday
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo War kasoo Saaray Geerida Shiikh Cabdiqani Shiikh Yuusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here