Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Cabdi Kaariye ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiis laga gaaray qodobadii doorashooyinka ee horey la iskugu afgaran waayay.
Shirka wadatashiga Qaran oo maalmihii danbe ka socday magaalada Muqdishu ayaa maanta loo fadhiyaa xaflad si weyn loo maamuusay oo lagu soo xirayo shirka.
Shirka oo ugu danbeyntii laga gaaray heshiis iyo afgarad buuxa ayaa waxaa saxiixay Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo dhamaan Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Ad