Home Wararka Somaliya Madaxweyne Qoor Qoor oo la saftay Laftagareen Xili ay Fashilmeen Wada-hadaladii Baydhabo

Madaxweyne Qoor Qoor oo la saftay Laftagareen Xili ay Fashilmeen Wada-hadaladii Baydhabo

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Dhinac kale u weeciyey  wadahadal ka socday Baydhabo oo la xiriiray isku day la doonayey in xal looga gaaro khilaafka Laftagareen iyo Rooble si Xildhibaanada Koonfur Galbeed uga qeyb galaan dhaarta Xildhibaanada ee 14ka bisha ka dhaceysa Muqdisho.

Qoorqoor oo horkacayey wafdi dhawaan tagay Baydhabo si xal looga gaaro khilaafka taagan ayaa Madaxweyne Laftagareen ku qanciyey in Xildhibanada Koonfur Galbeed ay tagaan Muqdisho oo ay qaataan shahaadada si loo dhaariyo, wixii tabasho ah ee ka taagan kuraasta la xanibayna xal kale loo raadiyo.

Hase ahaatee warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin uu soo fara geliyey arrintaas ka dib markii uu la hadlay labada hogaamiye isagoo ka dhaadhiciyey haddii soo fasaxo xildhibaanada K/Galbeed ay fursad siineyso inuu waayo kursigiisa, taas bedelkeedna la hakiyo fasaxa xildhibaanada si Rooble loogu cadaadiyo inuu fasaxo kuraasta xaniban oo dhan.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Qoorqoor laftagareen oo kulan gooni ah  qaatay ay go’aansadeen in la joojiyo Xildhibaanada K/galbeed ilaa laga fasaxo kuraasta xaniban.

Xildhibanadii la socday Madaxweyne Qoorqoor oo quus ah ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, halka Qoorqoor iyo xubno kale ay ku hareen magaalada Baydhabo.

Ad
Previous articleDeg Deg: Maleeshiyaad Hubaysan oo Caawa Bartamaha Caabudwaaq Dad Ku laayay
Next articleWadooyinka Magaalada Muqdisho oo qaarkood Xiran, Xili Dabaaldagyo Socdaan (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here