Home Wararka Maanta Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo qaarkood Xiran, Xili Dabaaldagyo Socdaan (Sawiro)

Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo qaarkood Xiran, Xili Dabaaldagyo Socdaan (Sawiro)

0

Waxaa Maanta xiran qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho, iyada oo Ciidamada ay u diidayaan inay isticmaalaan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Waddooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah qeybo kamid ah waddooyinka Maka-Almukarama, Wadnaha, 30-ka iyo Warshadaha iyo Guud ahaan waddooyinka gala Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo ay ka socoto munaasabad lagu xusayo 62 guuradii kasoo wareegtay Aas-aaska Ciidanka xoogga dalka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Madax kale, waxaana siweyn loo adkeeyay Maanta Amniga Guud ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janeraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka, wuxuuna sheegay in Maalintaan ay tahay maalin kuweyn Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Taliye Odawaa ayaa Ciidamada ugu baaqay inay ka dhabeeyaan hadafkooda ah ka hortegida Argaagxsada, isla markaana ay awoodooda isugu geeaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo la saftay Laftagareen Xili ay Fashilmeen Wada-hadaladii Baydhabo
Next articleMadaxweyne farmaajo oo Gaaray Wasaarada Gaashaandhiga(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here