Home Wararka Somaliya Madaxweyne Puntland Siciid Deni oo amar siiyay laamaha Amniga

Madaxweyne Puntland Siciid Deni oo amar siiyay laamaha Amniga

0

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah furay Barnaamijka Qorsheynta Dhulka Caasimadda Garoowe.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Hay’adda Cilmi baarista Puntland ee PDRC, ayaa lagu soo bandhigay xog maqal iyo muuqaal ah oo hab farshaxameysan ay Dowladda hoose ee Garoowe ku faahfaahisay Qorsheynta dhulka caasimadda iyo sida loo hirgelinayo.

Madaxweyne Deni ayaa u digay dadka inta badan dhulka xoogga ku qabsaday, isagoo faray laamaha amniga iyo hay’adda garsoorka in dadkii lagu helo Dhul boob la marsiiyo sharciga.

Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in Mustaqbalka Garoowe loo diyaariyo mid horumarsan oo ka quruxbadan dhinac dhisme iyo dhinac kasta, wuxuuna ku baaqay dowladd iyo shacaba in taasi laga wada shaqeeyo.

Ad
Previous articleMaxkamadda Sare ee Mareykanka oo soo saartay go’aan ka dhan ah Dadka ajaanibta
Next articleDowlada Somaliya oo Ciidamo dheeri ah geysay Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here