Home Wararka Somaliya Puntland Madaxweyne Mustafe Cagjar oo si Qurux Badan loogu soo dhaweeyay Garawe (Sawirro)

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo si Qurux Badan loogu soo dhaweeyay Garawe (Sawirro)

0

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay qeyb ka yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya, Diblumaasiyiin, ayaa gaaray magaalada Garawe.

Wafdiga madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garawe si weyn ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland ,kuxigeenkiisa , wasiiro, xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulkaasi.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa la filayaa in kulamo kala duwan la qaato madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo masuuliyiinta kale ee ku wehlisa safarka , waxa ayna kawada hadli doonaan arrimo dhoor ah ay ugu horeeyaan iskaashi labada dhinac yeeshaan.

Safarka madaxweynaha dowlad deegaanka ku yimid magaalada Garawe ayaa imaanaya xilli maalmo kahor dowlad deegaanka Soomaalida uu tagay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre kulamana lasoo qaatay madaxda maamulkaasi.

Ad
Previous articleDagaal Beeleedyo ka dhacay Gobolka Mudug oo Warar kala duwan laga helayo
Next articleAxmed Cabdulaahi Cabdi oo Saakay Dil Toogasha ah Lagu Fuliyay Kadib 5sano oo Uu xirnaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here