Home Wararka Somaliya Madaxweyne Laftagareen oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweyne Laftagareen oo soo gaaray Muqdisho

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo maalmihii la soo dhaafay safar ugu maqnaa dalka turkiga ayaa Maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Soomaliya ee Magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Maamulka Koonfur  Galbeed & mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa ujeedka safarkiisa ee Muqdisho waxaa uu yahay ka qeyb-galka shirka Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Magaalada Muqdisho waxaa horay ugu sugnaa Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug & Hir-Shabeelle, kuwaas oo dhamaantood ka qeyb-galaya shirka uu iclaamiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo Maalinta berito ah ka furmaya teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

 

Ad
Previous articleGaalkacyo Ciidanka Puntland oo Xabsiga dhigay 20 Ruux oo Shabaab lala Xiriirinaayo
Next articleGolaha Badbaadada Qaran oo Qoraal udiray Beesha caalamka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here