Gaalkacyo Ciidanka Puntland oo Xabsiga dhigay 20 Ruux oo Shabaab lala Xiriirinaayo

Laamaha Amniga Puntland ee Gobolka Mudug, ayaa saacadihii la soo dhaafay xabsiga dhigay in ka badan 20 dhalinyaro ah, oo looga shakisanyahay in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha Amniga, ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in dadka la qabtay ay u badan yihiin dhalinyaro u dhashay degaanka, oo ka soo laabtay Koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa xabsiga loo taxaabay qaar kamid ah dadka wareejiya Ganacsiga yar yar, waxaana gebi ahaanba Gobolka laga mamnuucay Ganacsiga noocaas ah.

Saraakiishu waxay sheegeen in haatan baaritaan ku socdo tuhmanayaasha lagu qabtay Gaalkacyo, kuwaas oo aysan weli ku caddayn, haddii ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*