Home Wararka Somaliya Golaha Badbaadada Qaran oo Qoraal udiray Beesha caalamka

Golaha Badbaadada Qaran oo Qoraal udiray Beesha caalamka

0

Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin Midowga Musharixiinta Madaxweynaha & Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland ayaa waxaa ay Beesha Caalamka u direen qoraal lagu eedeynayay Madaxweynaha Mudo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Qoraalka oo ku qoran luuqada Engilish-ka ayaa waxaa lagu sheegay in Farmaajo aanu laheyn sharciyad uu shir isugu yeero, iyagoo soo jeediyay in shirka la ballaariyo oo saamileydu ka qeyb gasho, iyo inuu amniga doorashooyinka wareejiyo.

 

Qoralka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in  lagu soo dhaweynayo dadaalada ay wadaan Beesha Caalamka ee ku aadan sidii xal looga gaari lahaa khilafka iyo muranka hareeyay doorashoyinka.

“Madasha Badbaadada Qaranka waxay bogaadineysaa dadaalka wada-hawlgalayaasha Caalamiga ah ee looga sii gudbayo qalalaasaha siyaasadeed ee hadda jira oo ay abuureen doorashooyinka daba dheeraaday. waxay si kal iyo laab ah u soo dhaweynaysaa hadalkii

Xog-hayaha arimaha dibada Mareykanka ee fikirka iyo dagdaga ah ee doorashada Somalia & daneeyeyaasha muhiimka ah ee geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaan ala wadaagnaa dareen isku mid ah oo deg-deg ah oo loogu gudbayo doorashooyinka.

Madasha Badbaado qaran ayaa waxaa ay ku eedeeyeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo in uu ku guuldareystay inuu hogaamiyo hanaan doorasho oo ku saleysan is afgarad oo sharci ah, cadaalad ah oo loo dhan yahay oo ah mas’uuliyadda ugu dambeysa ee Madaxweyne kasta ayna tahay aasaaska amniga,. xasilloonida iyo horumarka mustaqbalka ee dalka.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Farmaajo uu wiiqay dadaal kasta iyo ujeed kasta oo wanaagsan oo ay lahaayeen daneeyayaasha muhiimka ah ee Soomaaliyeed.m sida shirkii Magaalada Dhuusamareeb 4 oo uu ka tagey miiska wada hadalka laba maalmood ilaa dhamaadka mudadiisa, isaga oo u daayey dhamaan daneeyayaasha Soomaalida miiska, isagoo si cad u muujinaya niyad xumadiisa iyo ujeedooyinkiisa.

Qoraalka Xubnaha  Golaha Badbaadada Qaran oo aad u dheer ayaa sidoo kale waxaa ay farmaajo ku eedeeyeen in, isaga oo muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu qalqal amni ka abuurayo Gobolka Gedo, isla markaana saacadihii la soo dhaafay uu ku daad gureeyay Ciidamo, taa soo ay sheegeen inay meesha ka saaraysa soo hehsiiskii guddiga farsamada ee Magalada Baydhabo

Golaha Badbaadada Qaran oo ah Isbaheysi siyaasadeed oo kasoo horjeeda Madaxweynaha Mudo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maalmo ka hor lagu Aas-aasay Magaalada Muqidhso, waxaana Mas’uuliyiinta Xubnaha ka ah ay sheegeen in ujeedkooda uu yahay in dalka la badbaadiyo.

Ad
Previous articleMadaxweyne Laftagareen oo soo gaaray Muqdisho
Next articleShirarka Farmaajo ma Farsamada xumo ayuu u baaqday Mise ?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here