Home Wararka Somaliya Jubbaland Madaxweyne Ku Xigeenka Jubaland oo Ugu danbayn Gaaray Gobalka Gedo(Sawiro)

Madaxweyne Ku Xigeenka Jubaland oo Ugu danbayn Gaaray Gobalka Gedo(Sawiro)

0

Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta sannado kaddib gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Wafdiga Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa degmada Luuq si weyn ugu soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Gedo iyo kan degmada Luuq iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Jubbaland iyo wafdiga la socda ayaa la filayaa in kulamo kala duwan la qaataan maamulka degmada , odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Gedo.

Maamulka degmada Luuq ayaa taageeray maamulka Jubbaland uu hoggaamiyo Axmed Madoobe iyo maamulka cusub ee dhawwaan gobolka Gedo loo magacaabay, waxa ayna maamulka degmadan sheegeen in ay qeyb ka yihiin lana shaqeenayaan Jubbaland.

Degmooyinka kale ee gobolka Gedo sida Doolow, Garbahaarey iyo Baled Xaawo ayaa  laga diidan yahay maamulka Jubbaland, waxaana degmooyinkaasi wali ka ammar qaataan maamulkii Farmaajo u magacaaby gobolkaasi xilligii uu talada hayay.
Ad
Previous articleYusuf Xasan Ibraahim oo Ka Tisanaa Alshabaab oo Xukun Dag lagu Riday
Next articleSacuudi iyo Turkey oo saxiixday heshiisyo taariikhi ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here