Home Wararka Maanta Sacuudi iyo Turkey oo saxiixday heshiisyo taariikhi ah

Sacuudi iyo Turkey oo saxiixday heshiisyo taariikhi ah

0

Shirkad Turkish ah ayaa Sacuudi Carabiya siin doonta diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drone), waxaa sidaas shaacisay Riyadh kadib booqasho uu madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ku tegay boqortooyada.

Dhowr qandaraas, oo uu ku jiro heshiiska Drone-ka ee lala galay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Baykar, ayaa la saxiixay intii uu socday kulan dhex maray Erdogan iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman oo Isniintii ka dhacay magaalada ku teedsan Badda Cas ee Jeddah, waxaa sidaas sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Saudi Press Agency (SPA).

Haluk Bayraktar, oo ah madaxa shirkadda soo saarta drone-ka ee sidoo kale uu wax ka maamulo wiil uu sodog u yahay Erdogan, ayaa qoraal uu twitter-ka soo dhigay ugu yeeray heshiiska “qandaraaskii ugu weynaa ee dhoofinta dhanka difaaca iyo duulista ee taariikhda Jamhuuriyadda Turkey.”

Qiimaha uu ku kacayo qandaraaska weli lama shaacin.

Erdogan, oo doorashooyinkii May ku guuleystay muddo xileed kale oo shan sano ah, ayaa ku sugnaa Sacuudiga isaga oo billaabay safar uu ku marayo Khaliijka, isaga oo taageero u raadinaya dhaqaalaha sii xumaanaya ee Turkey.

Hoggaamiyaha Turkey ayaa la filayaa in goor dambe oo Talaadada maanta ah uu tego dalka Qatar.

Kadib markii ay ka qeyb-galeen madasha ganacsiga Sacuudiga iyo Turkiga ee Jeddah, Erdogan iyo Amiir Mohammed ayaa ka wada-hadlay “rajooyinka iskaashi wadajir ah,” ayey tiri SPA.

Labada hoggaamiye ayaa saxiixday heshiisyo iskaashi oo quseeya dhinacyada tamarta, maal-gashi toos ah, difaaca iyo warbaahinta, sida lagu yiri warbixinta.

Waxay intaas ku dartay in saraakiisha Sacuudiga “ay laba qandaraas la saxiixdeen shirkadda Baykar.”

Diyaaradaha drone-ka ee ay soo saarto Baykar ayaa lagu isticmaalay dagaallo ka dhacay dalalka Azerbaijan, Libya iyo Ukraine.

Sacuudi Carabiya “Waxay heli doontaa diyaaradaha drone-ka iyada oo ujeedadu tahay in kor loo qaado diyaargarowga ciidamada qalabka sida ee Boqortooyada iyo xoojinta awooddeeda difaac iyo wax soo saar,” waxaa sidaas Talaadada yiri wasiirka difaaca Amiir Khalid bin Salman.

Ma uusan sheegin nooca diyaarada aan duuliyaha lahayn ee ay boqortooyadu raadinayso inay hesho.

Diblomaasi Carab ah oo ku sugan Riyadh, oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, maadaama aan loo ogolayn inuu la hadlo saxaafadda, ayaa sheegay inay tahay nooca TB2 ee Baykar.

Bishii la soo dhaafay, Kuwait ayaa sheegtay in ay gashay heshiis 367 milyan oo dollar ah oo ay kusoo iibsaneyso diyaaradaha TB2.

Booqashada Erdogan ee toddobaadkan ayaa ah tii labaad ee uu ku tago Sacuudiga tan iyo markii ay dhawaan isku soo dhawaadeen Ankara iyo Riyadh, kuwaas oo xiriirkooda uu xumeeyey dilkii 2018-kii ee saxafigii Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi oo lagu dhex dilay qunsuliyadda boqortooyada ee Istanbul.

Turkey ayaa ka caraysiisay Sacuudiga iyada oo si xooggan u daba-gashay kiiska xilligaas, islamarkaana furtay baaritaan kadibna warbaahinta caalamka xog ka siisay faah-faahinta sida xun ee dilku u dhacay.

Hase yeeshee iyada oo la hagaajinayo xiriirka, ayaa Erdogan wuxuu booqday Sacuudiga April 2022, halka Amiir Mohammed uu u safray Turkiga bishii June ee sannadkii hore.

Safarka Erdogan ee dalalka Khaliijka ayaa ku soo beegmaya iyadoo Turkey ay la daalaa dhacayso burburka lacagta iyo sicir-barar saameeyay dhaqaalaheeda.

Bishii Maarso, Sacuudi Carabiya ayaa 5 bilyan oo dollar ku shubtay Bankiga Dhexe ee Turkey

Ad
Previous articleMadaxweyne Ku Xigeenka Jubaland oo Ugu danbayn Gaaray Gobalka Gedo(Sawiro)
Next articleTuugsadaha ugu taajirsan adduunka iyo sida uu maalqabeenka ku noqday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here