Home Wararka Somaliya Jubbaland Madaxweyne Ku Xigeenka Jubaland iyo Wafdi u Hogaaminaayo Oo Gaaray Ceelwaaq(Sawiro)

Madaxweyne Ku Xigeenka Jubaland iyo Wafdi u Hogaaminaayo Oo Gaaray Ceelwaaq(Sawiro)

0

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aaden ayaa saaka gaaray Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo halkaasoo ay ka socoto Doorashadii 16ka kursi ee gobolka Gedo.

Maxamuud Sayid Aaden ayaa waxaa garoonka dayuuradaha Ceelwaaq ku soo dhoweeyey saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

Ujeedka Safarka madaxwayne kuxigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ah in maanta uu soo xiro doorashadii kasocotay deegaan doorashada labaad ee Jubbaland oo maanta shantii kursi ugu danbeeyey lagu dooranayo

Shalay ayey aheyd markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu gaaray degmada Ceelwaaq si uu ula socdo qaabka ay u dhaceysay doorashada xubnaha golaha shacabka ee degaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Illaa 11 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka Somalia ayaa shalay lagu doortay magaalada Ceelwaaq iyadoo shanta kursi ee hartay lagu wado in la doorto saacadaha soo socda.

Ad
Previous articleGudoomiyayaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyina oo Waxba kama Jiraan Ku Tilmaamay Kuraasti Ceelwaaq lagu Doortay
Next articleDoorashada Ceelwaaq oo lasoo gabagabeeyey + Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here