Home Wararka Somaliya Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo kormeer ku tegay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Rayidka...

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo kormeer ku tegay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Rayidka Galmudug (Sawiro)

0

Ku simaha Madaxweynaha,ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa kormeer-hawleed maanta kutegay xarunta Hay’adda Shaqaalaha Rayidka Galmudug oo kamid ah hay’adaha madaxa bannaan.

Waxaana halkaas kusoo dhaweysay Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Galmudug Marwo Aamino Sheikh Maxamed, oo warbixin dheer kasiisay waxqabadka hay’adda,hannaanka shaqadda iyo shaqaalaysiinta.

Madaxweynaha ayaa intii uu kusugnaa xarunta guddiga shaqaalaha rayidka indha-indheeyey dhammaan waaxyaha iyo qeybaha ay koobantahay, lana-kulmay howl-wadeenada, isagoona bogaadiyay adeegga ay bulshada u hayaan.

Kormeerkan kediska ah ee madaxweynaha, ayaa ujeedadiisu aheyd dardargelinta Howlaha dowladda iyo u kuur-galka sida ay u socdaan howl maalmeedka Hay”daha madaxa banaan ee Xukuumadda.

Ad
Previous articleTaliyaha NISA oo gaaray Gobalka Geddo, Ogaaw sababta ?
Next articleBeesha caalamka oo diiday Muddo Kordhin, waxayna soo saartay Bayaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here