Home Wararka Somaliya Taliyaha NISA oo gaaray Gobalka Geddo, Ogaaw sababta ?

Taliyaha NISA oo gaaray Gobalka Geddo, Ogaaw sababta ?

0

Taliyaha Ciidamada Nabad Sugidda NISA Fahad Yaasiin ayaa maanta ku sii jeeda degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaasoo uu kaga sii horreeyay Kaaliyihiisa Xafiiska C/llaahi Kulane.

Magaalada Doolow ayaa waxaa shalay laga dejiyay labo gaadiid isugu jira kuwa aan xabadaha karin iyo midka ciidamada ilaalada lagu qaado.

Ujeedka safarka Taliyaha NISA ayaa ah in dhameystirka heshiis muddo laga shaqeynayay oo u dhaxeeyay C/rashiid Janan iyo dowladda Federaalka, waxaana uu u gudbi doonaa degmada Beledxaawo si uu ugu ku soo dhoweeyo Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan, waxaana lagu wadaa in isla maanta la keeno Muqdisho.

Warar kale ayaa sheegaya in C/rashiid Janan uu maalmaha soo socdo u gudbi doono dalka Turkiga, halkaasoo dowladda Federaalka ay ku deegaameyneyso, sidoo kale waxaa la filayaa in dowladdu soo saarto warqad lagu cafinayo, maadaama loo heystay dambiyo la xiriira xuquuqda bani’aadanimada.

Ad
Previous articleDowladda kenya oo dalbatay in La xiro xeryaha Qaxootiga dhadhaab iyo Kaakuma
Next articleMadaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo kormeer ku tegay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Rayidka Galmudug (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here