Home Wararka Somaliya Beesha caalamka oo diiday Muddo Kordhin, waxayna soo saartay Bayaan

Beesha caalamka oo diiday Muddo Kordhin, waxayna soo saartay Bayaan

0

Beesha Caalamka ayaa mar kale ku celisay in aanay taageeri doonin hannaan doorasho oo isbarbar socda ama dadaal kasta oo horseedaya in muddo kordhin lagu sameeyo.

Qoraal kooban oo ay soo saareen wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hadda la joogo xilligii heshiiska la gaari lahaa.

“Iyadoo ay Muqdisho ku sugan yihiin dhammaan hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Soomaaliya, waxaa hadda la joogaa xilligii wadatashiyo aan rasmi ahayn ay yeelan lahaayeen si ay ugu heshiiyaan sidii horay loogu sii wadi lahaa shir madaxeedka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ee xubnaha ka ah federaalka loona aado doorashooyinka.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Saaxiibbada caalamku waxa ay mar kale ku celinayeen In aysan taageeri doonin hannaan doorasho oo hal dhinac ah ama isbarbar socda ama tillaabo kasta oo horseedeysa kordhinta muddo xileedkii hore.

Beesha Caalamka ayaa maalmihii ugu dambeeyay bilaabay inay cadaadis xoog leh saaraan madaxda Soomaaliya si ay u gaaraan heshiis ah in dalka ay doorasho ka dhacdo.

Ad
Previous articleMadaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo kormeer ku tegay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Rayidka Galmudug (Sawiro)
Next articleShir Maalintii 3aad Muqdisho uga soconaya Madaxda Dowladda iyo Dowlad Gobaleedyada qaar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here