Home Wararka Maanta Madaxweyne Ibrahim Boubacar oo Geeriyooday

Madaxweyne Ibrahim Boubacar oo Geeriyooday

0

Sida ay Wakaaladda wararka ee AFP u sheegeen xubno ka tirsan qoyskiisa Madaxweynihii hore ee dalka Mali, Ibrahim Boubacar Keïta, ayaa geeriyooday isagoo ay da’diisu ahayd 76 jir

Ibrahim Boubacar ayaa Sanadkii la soo dhaafay waxaa haleelay xanuunka faaligga hase yeeshee hadda lama xaqiijin xanuunka dhabta ah ee uu u geeriyooday. Maanta oo Axad ah ayuu ku dhintay gurigiisa oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Bamako

Mr Keïta ayaa dalka Mali hoggaaminayay muddo toddobo sano ah oo ku ekeyd sanadkii 2020-kii wakhtigaas oo xilka loogu tuuray afgambi kadib markii dalkaasi ay ka dhaceen dibadbaxyo dowladiisa lagu diidanaa.

Dhibaatooyinka dhaqaale iyo muran dhanka doorashooyinka ah ayaana dab ku sii shiday dibadbaxyadii looga soo horjeeday xukunkiis

Ad
Previous articleDeg Deg Banaanbixii Mucaaradka oo la joojiyay (Sawiro)
Next articleDeg Deg Qarax Caawa Ka dhacay Magaalada Boosaaso(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here