Home Wararka Somaliya Madaxweyne Farmaajo oo u duulay uganda

Madaxweyne Farmaajo oo u duulay uganda

0

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Kambala ee caasimadda dalka Uganda.
Farmaajo ayaa ka kaga qayb gelaya xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo ku martiqaaday xafladda qaar ka mid ah Madaxda caalamka.

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu kulan doceedyo la yeelan doonaa hoggaanka dalkaas iyo madaxda kale ee dhiggiisa ah ee ka soo qayb gelaya munaasabaddan, isaga oo kala hadli doona danaha wadajirka ah ee kala dhexeeya dalkeenna.

Wafdiga ka qayb gelaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Yoweri Museveni waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Maxamed Xasan, Marwada Koowaad ee dalka Marwo Seynab Cabdi Macallim, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

Ad
Previous articleKenya oo Mamnuucday Duulimaadka Tooska ah ee Soomaaliya
Next articleDowladda Soomaaliya oo shaacisay in Maalinta Birita ah ay tahay Maalinta ugu dambeysa ee Ramadaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here