Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Dalka Qatar

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Dalka Qatar

0

War goordhow lagu Faafiyay Baraha Bulshada ee Villa Soomaaliya ayaa lagu Shaaciyay in Madaxweynaha Qaranka uu Usafray Dalka Qatar.

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhowayd safar shaqo oo labo maalmood qaadanaya ugu ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Amiirka Dowladda Qadar Mudane Tamim bin Hamad Al Thani ayaa halkaas ku yeelan doona wada hadallo.

 

Taas lagu gorfaynayo xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo horumarinta iskaashiga ku qotoma is-ixtiraamka, wax wada qabsiga iyo horumarinta danaha qaran ee labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.

 

Ad
Previous articleYaa Ku guulaystay Kursigii u ku Fadhiyay Wasiir Jamaal oo Maalmahan Muran Xoogan ka Taagnaa
Next articleWeerar lagu qaaday Warshada Nukliyeerka ee Ukraine oo Cabsi ku abuurtay Yurub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here