Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo oo laga diiday in Ciidamada Danab u adeegsado joojinta Banaan...

Madaxweyne Farmaajo oo laga diiday in Ciidamada Danab u adeegsado joojinta Banaan bixii Muqdisho

0

Wargeyska Washigton Post ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa qoray in Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Farmaajo ku guul dareestay in ciidamada danab u soo daabulo Muqdisho si uu ugu adeegsado kahor taga banaan baxyada Mucaaradka.

Sarkaal ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab,  ayaa Wargeyska u sheegay in taliyahooda ugu sareeya uu ka codsaday Farmaajo inuu qaar ka mid ah ciidamadooda u soo daabulo Muqdisho si ay uga hortagaan banaan baxyada.

Waxa uu sheegay sargaalkan oo magaciisa sababo amaan u qariyay in Madaxweyne Farmaajo laga diiday codsiga ciidamada Danab uu doonayay in Muqdisho la keeno, mana sheegin sargaalkan cida diiday in Danab la keeno Muqdisho.

Wargeyska Washigton Post ayaa qoray in Madaxweyne Farmaajo fashilinta banaan baxyadii Mucaaradka ka abaabuleen Muqdisho u adeegsaday ciidamada gaarka ah ee tababareen Turkiga ee Haramcad iyo Gor Gor.

Dowlada Mareykanka oo tababarta ciidamada Danab sidoo kale gacanta ku heysa ayaan ogoleyn in ciidankaasi loo adeegsado wax ka baxsan howlgalkooda gaarka ah gaar ahaan la dagaalanka kooxda Al Shabaab.

Dowlada Soomaaliya ayaa joojinta banaan baxyo waa weyn ay abaabuleen Musharaxiinta u adeegsaday ciidamada sida gaarka ah ee Haram Cad iyo Gor Gor kuwaa oo weerar ku qaaday Musharaxiinta Madaxweyne qaarkood.

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleCiidanka Galmudug oo qabtay Nin Weerar geestay
Next articleFaah faahin ku saabsan Qarax lala Eegtay Taliye ku xigeenka C X D