Home Wararka Somaliya Ciidanka Galmudug oo qabtay Nin Weerar geestay

Ciidanka Galmudug oo qabtay Nin Weerar geestay

0

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Galmudug ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal ballaaran ka sameeyay deegaano hoostega Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka, kadib weerar dhacay.

Ciidanka ka tirsan kuwa Booliska Maamulka ayaa gacanta ku dhigya Nin hubeysan oo gelinkii dambe ee shalay weerar loo adeegsaday rasaas ku qaaday 5 qof oo ku sugnaa deegaanka Gadoon ee Gobolka Galgaduud, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro.

Maamulka deegaanka Gadoon ee Galmudug ayaa sheegay in Ninka hubeysan ee weerarka geystay gacanta lagu soo dhigay, isla markaana sharciga la horgeyn doono, sida uu qorshahu yahay.

Inta la xaqiijiyay qof ayaa ku geeriyooday weerarka, halka 4 qof kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen oo rasaasta lagu furay uga dhacday meelo halis ah, iyagoona la geeyay Xarun Caafimaad.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in weerarka uu la xiriiray aano qabiil, kadib markii Ninka weerarka geystay uu kal horey uu laayay Nin ehel ahaayeen, isagoo Ninka halkaas uu ka baxsaday.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka Gadoon ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo halkaas, kadib dagaal muddo kooban socday uu ka dhacay oo dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo deegaanka wada-dega.

Ad
Previous articleMareykanka oo cunaqabateyn kusoo rogay mas’uuliyiin ka tirsan boqortooyada Sucuudiga
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo laga diiday in Ciidamada Danab u adeegsado joojinta Banaan bixii Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here