Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo oo Kulan Duceed La qaatay Madaxweynaha wadanka Uganda

Madaxweyne Farmaajo oo Kulan Duceed La qaatay Madaxweynaha wadanka Uganda

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed la qaatay Dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyada oo ay madaxdu isku raaceen adkeynta xiriirka qotada dheer ee ku dhisan iskaashi iyo wax wadaqabsi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Dhiggiisa dalkaas Madaxweyne Yoweri Museveni guusha uu ka gaaray doorashooyinkii ka dhacay dalkan, isaga oo u rajeeyey horumar iyo barwaaqo Shacabka iyo dawladda Uganda.

DHAMMAAD

 

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo shaacisay in Maalinta Birita ah ay tahay Maalinta ugu dambeysa ee Ramadaan
Next article(Akhriso) Qoraalka Dowladda Soomaaliya ay ku dalbanayso in Laga laabto Ergayga cusub ee Midowga Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here