Home Wararka Somaliya Puntland Madaxweyne Deni oo loo jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta qorshaha muddo...

Madaxweyne Deni oo loo jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta qorshaha muddo kororsi

0

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa loo jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta qorshaha muddo kororsi, xilli guddiga doorashooyinka Puntland uu dhawaan soo saaray jadwal muddo dhaaf ah.

Bayaan ay si wadajir ah usoo saareen mucaaradka Puntland ayaa waxay madaxweyne Saciid Deni ku eedeeyeen inuu iclaamiyay colaad cusub, si uu xilka xoog ugu sii joogo, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay sheegeen in Deni uu la shiray saraakiisha ciidamada Puntland, uuna faray in ay ku difaacaan damaciisa muddo kororsiga, kaasi oo uu muddo ka soo shaqeynayay.

Arrintan ayay sheegeen inay ka dhalan karto cawaaqib xumo uu masuuliyadeeda qaadayo madaxweyne Saciid Deni.

“Waxaa ugu baaqaynaa ciidamada iyo taliyayaashooda in ay ilaaliyaan sharciga, oo aysan Puntland u horseedin qalalalase iyo burbur,” ayaa lagu yiri bayaanka mucaaradka oo baaq loogu diray ciidanka iyo saraakiishooda.

Bayaanka mucaaradka ayaa imanaya maalin kadib markii Deni uu sheegay in ay ka go’an tahay inuu socod siiyo doorashada qof iyo cod, oo ay diidan yihiin mucaaradka oo iyagu doonayo in doorashada lagu galo hanaankii hore baarlamaaniga.

Deni ayaa xilligaas wuxuu ciidamada ugu baaqay inay difaacaan sidii ay doorashadaasi u qabsoomi lahayd, wuxuuna sheegay in aanay jirin cid awood u leh inay hor istaagto taabo-galinta jadwalka guddiga doorashooyinka.

Si kastaba, Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland ayaa laga cabsi qabaa in markale isku rogto gacan hadal labada dhinac ku dhexmara Garoowe, oo ay kal hore ku dagaalameen ciidamo taabacsan mucaaradka iyo kuwa maamulka Deni

Ad
Previous articleCali jayte oo ka Hadlay Xilka uubMadaxweyne Xasan Shiikh u Magacaabay
Next articleDad kabadan 8,306 Qof oo reer Falastiidn ah oo lagu dilay Dagaalka Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here