Home Wararka Maanta Dad kabadan 8,306 Qof oo reer Falastiidn ah oo lagu dilay Dagaalka...

Dad kabadan 8,306 Qof oo reer Falastiidn ah oo lagu dilay Dagaalka Gaza

0

Ugu yaraan 8,306 qof – oo ay ku jiraan 3,457 carruur ah – ayaa lagu dilay Qasa tan iyo markii Israa’iil ay billowday duqeymo aargoosi ah oo ay ku hayso deegaanka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

Tirada ayaa sidoo kale waxaa ku jira 2,136 haween ah, iyo 480 waayeel ah, sida lagu sheegay warbixinta.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay in isbitaallada Qasa ay si dirqi ah u shaqeeyaan sababo la xiriira koronto yaraan iyo sahayda oo gabaabsi sii noqonaysa

Xaalad adag ayaa ka taagan Qasa, oo ay wayjahayaan dadka reer Falastiin, xilli weli diyaaradaha Israa’iil ay sii wadaan qudeymaha ay gaysanayaan. Waxaa adag in dadku helaan biyo, cunto iyo dawo sida ay sheegtay Qaramada Midoobey oo shir degdeg ah ka yeelatay xaaladda.

Waxaa soo badanaya baaqyada ku aaddan in xabad joojin la sameeyo si ay suurta gal u noqoto in dadka dhibaateysan gargaar la gaarsiiyo, hase-yeeshee raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa u muuqda in baaqyadaas ka imaanaya madaxda caalamka uu dhegaha ka fureystay

Ad
Previous articleMadaxweyne Deni oo loo jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta qorshaha muddo kororsi
Next articleWaa Sidee Xaalada Magaalada Xananbuure oo Shalay dagaalo Ka Dhaceen?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here