Home Wararka Maanta Cali jayte oo ka Hadlay Xilka uubMadaxweyne Xasan Shiikh u Magacaabay

Cali jayte oo ka Hadlay Xilka uubMadaxweyne Xasan Shiikh u Magacaabay

0

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo hadda loo magacaabay hoggaamiyaha ciidamada Macawiisley ee Shabaab kula dagaalamaya gobollada dalka ayaa shaaciyey halka ay ku dambeyso qadiyadda maamulkii uu ku dhawaaqay ee Hiiraan State.

Cali Jeyte oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in qadiyadii Hiiraan State lagu balamay in dib loo dhigo ka hadalkeeda, markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh tegay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Hoggaamiye Cali Jeyte ayaa sheegay in kulankaas ay ka soo qeyb galeen inta badan masuuliyiinta beesha Xawaadle ku metesha dowladda federaalka, isla markaana uu Madaxweynuhu codsaday in dib loogu dhigo qadiyad kasta oo la dagaalanka Shabaab aan aheyn.

“Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyey in qadiyadaha kale dib loo dhigto oo dagaalka Shabaab la galo, marka qadiyadii Hiiraan State sidii ayey u taagan tahay, mana ahan qadiyad aan jeebka kuwato ee waa qadiyad ay beesha Xawaadle ka mideysan tahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Jeyte.

Hadalkaas wuxuu sheegay in Xawaadle uu ka aqbalay Madaxweynaha, iyadoo isla fadhigaas lagu go’aamiyey oo Madaxweynuhu soo jeediyey in Cali Jeyte laga dhigo hoggaamiyaha Macawiisley oo dhan, gobol kasta oo ay joogaan.

“Aniga magacaabideydu waxay salka ku heysaa isfahamkii Xawaadle iyo Xasan Sheekh ku dhexmaray Maxaas, ma jiraan wax kale, madaxweynuhu wuxuu naga codsaday in wixii aan khuseyn dagaalka Al-Shabaab dib loogu dhigo, waana ka aqbalnay,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Intii ay socdeen kulamada Maxaas wuxuu Cali Jeyte sheegay in miiska lasoo saaray su’aal ah yaa hoggaaminaya dagaalka, “Madaxweynaha ayaa yiri Cali Jeyte ayaa hoggaaminaya intii kale ee meesha joogtana waa ku raacday, marka magacaabidda aad arkeysaan maalintaas ayey dhacday ee hadda raami ayaa laga dhigay ee wax cusub ma jiraan,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in ciidamada qaranka ay lee yihiin hoggaan maamula oo dagaalka geliya, balse isaga loo dhiibay ciidamada Macawiisley oo ah shacabkii iska diiday ficilada Khawaarijta ee hubka qaatay.

“Siyaasadda ka hadalkeeda in dib loo dhigo oo dagaalka la galo ayaa nala qumanaatay maalintaas ee wax kale oo is bedelay ma jiraan, Hiiraan State waxay aheyd qadiyad umadeed dukaan Cali Jeyte leeyahay maahan, marka waxaan shalay qabnay ayaan qabnaa.

Ad
Previous articleXamaas oo Dagaal Qaraar la Gashay Ciidamada Israil ee Gaza Weerarka Ku Qaaday
Next articleMadaxweyne Deni oo loo jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta qorshaha muddo kororsi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here