Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa loo jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta qorshaha muddo kororsi, xilli guddiga doorashooyinka Puntland uu dhawaan soo saaray jadwal muddo dhaaf ah.
Waxay sheegeen in Deni uu la shiray saraakiisha ciidamada Puntland, uuna faray in ay ku difaacaan damaciisa muddo kororsiga, kaasi oo uu muddo ka soo shaqeynayay.
“Waxaa ugu baaqaynaa ciidamada iyo taliyayaashooda in ay ilaaliyaan sharciga, oo aysan Puntland u horseedin qalalalase iyo burbur,” ayaa lagu yiri bayaanka mucaaradka oo baaq loogu diray ciidanka iyo saraakiishooda.
Bayaanka mucaaradka ayaa imanaya maalin kadib markii Deni uu sheegay in ay ka go’an tahay inuu socod siiyo doorashada qof iyo cod, oo ay diidan yihiin mucaaradka oo iyagu doonayo in doorashada lagu galo hanaankii hore baarlamaaniga.
Si kastaba, Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland ayaa laga cabsi qabaa in markale isku rogto gacan hadal labada dhinac ku dhexmara Garoowe, oo ay kal hore ku dagaalameen ciidamo taabacsan mucaaradka iyo kuwa maamulka Deni