Home Wararka Maanta Madaxweyne Deni oo Basaaso u Socda iyo 16 kursi oo Taala Magaladaas

Madaxweyne Deni oo Basaaso u Socda iyo 16 kursi oo Taala Magaladaas

0

Safarka Deni ee Boosaaso iyo 16-ka Xildhibaan ee halkaas yaala

Siciid Deni ayaa lagu wadaa todobaadkan in uu gaaro magaalada Bosaso, ee horey ay dagaaladu uga dhaceen. Qorshaha madaxweyne Deni ayaa ah in uu la kulmo guddoonka isimada ku sugan Bosaso ee horey go’aamada uga soo saarey xaaladda PSF, Dekadda iyo Horumarinta gobalka, sidoo kale ku dhawaaqey in ay dhexdhexaadinayaan Deni iyo Diyaano.

Deni ayaa si hoose u oggolaadey go’aamada Isimada, waxaana uu wataa qorshe kale oo la xiriira sidii isimada qaarkood ay isula fahmi lahaayeen 16 Xildhibaan ee Bosaso yaala.

Waxyaabaha xiisaha leh ayaa ah sida Siciid Deni uu ka yeeli doono labada Xildhibaan ee beeshiisa oo uu Boqorka kala hadli doono.

Xog aan helnay ayaa sheegaysa in mid kamid ah kuraasta beeshiisa uu u wato Cabdullaahi Faarax Mire oo ka mid ah kamid ah guddiga TPEC, horey uga wada yimaadeen Kooxda Islaamiyiinta ee Islaax, xogta ayaa sheegaysa in Cabdullaahi Faarax uu hadda ku sugan yahay Qardho isla markaana loo direy in uu soo qorto Ergooyin, taas oo burinaysa doonista Deni ee Boqor Burhaan.

Xildhibaanka labaad ayuu u wataa Gabar muddo ka soo shaqeysey Imaaraatka carabta, isla markaana kamid ah dadka ku dhaw.

Deni oo ay ka go’an tahay in uu isku tolo shaarka Xildhibaanada oo hor fariisan doona Boqor Burhaan Boqor Muuse, muxuu ka filan doonaa?

Ad
Previous articleWadooyinka Muqdisho oo Maanta la xiray iyo Banaanbax la qorsheenayo (Sawiro)
Next articleKursigii uu Ku Fadhiyay Wasiirka Maalyada Beyle oo Maantay la Doortay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here