Home Wararka Caalamka Madaxweyne Biden oo Digniin adag U Diray Madaxweynaha Ruushka Xili uu...

Madaxweyne Biden oo Digniin adag U Diray Madaxweynaha Ruushka Xili uu Dagaal isku Diyaarinaayo

0

Ciidamada milatariga Ruushka oo wata dabaabaadka dagaalka ayaa buux dhaafiyay xadka Ukrine, waxaana laga cabsi qabaa in duulaan culus oo dhiig badan ku daato ku qaadaan maalmaha soo aadan gudaha dalka Ukrine.

Dowladda Mareykanka oo xulifo dhaw la ah dowladda Ukrine ayaa marar badan Ruushka uga digtay duulaanka uu dalkaasi ku qaado, waxa ayna Mareykanka sheegeen in duulaankaasi Ruushka kasoo gaari doono cawaaqib xun.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo shalay telfoon kula hadlay dhigiisa Ruushka ayaa mar kale uga digay duulaan ay ku qaadaan Ukrine, waxa uuna u sheegay hadii Ruushka dhagaha ka fureesto digniinta ay ka shalaayi doonaan.

Biden ayaa sidoo kale sheegay Putin in Mareykanka iyo xulufadiisa ay jawaab deg deg ah oo kama danbeys ah bixin doonaan isla markaana cuna-qabateyn adag oo cawaaqib xumi ka dhalan doono kusoo rogi doonaan, haddii ay Moscow ka dhabeyso weerarka ay rabto in ay ku qaaddo dalka deriska la ah ee Ukraine.

Dowladda Ruushka ayaa marar badan beenisay in ay duulaan ku yihiin Ukrine, waxa ayna Ruushka ku eedeeyeen Mareykanka in ay ka bad badinayaan ayna faafinayaan warar aan jirin oo xaalad abuur ah.

Ad
Previous articleCabdikariim Qaarey Faarax Jiir oo Goordhow Geeriyooday
Next articleCabdiraxmaan Cabdishakuur oo Loogu Tanaasulay Kursigii HOP138 Berina La Dooran Doono

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here