Home Wararka Somaliya Somaliland Madaxweyne Biixi ” Cafis malahan qof ka qeyb qaatay Siyaasadda Soomaaliya ka...

Madaxweyne Biixi ” Cafis malahan qof ka qeyb qaatay Siyaasadda Soomaaliya ka jirta.

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta saxiixay xeer ka dhan ah Siyaasiyiinta, Abwaaniinta, Madax dhaqameedka, Suugaan-yahanka & qaybaha kala duwan ee Bulshada ee Koofurta Soomaaliya u tago arrimaha siyaasadda.

Nuxurka Xeerka oo 4 qodob lagu soo koobay ayaa lagu sheegay in Golayaasha Wakiilada Somaliland, Guurtida & Madaxweynaha ay isla garteen in la ciqaabo qof weliba oo kasoo jeeda Gobollada Waqooyi-Somaliland ee ka qaybgala Siyaasadda Koofurta.

Mas’uul, Shacab, Urur, Axsaab, Aqoon-yahan, Madax-dhaqameed, Suugaan-yahan & dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada eek a qaybgala Siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay go’aanka labada ee Gole waxaa lagu qaadi doonnaa dambi ah “Khimaamo Qaran ayaa lagu yiri Xaanshida uu ku saxiixan yahay Muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qodobka labaad ku sheegay in shirarka ama wadahadallada Dowladda Federaalka & Somaliland keliya ay ka qaybgeli karaan mas’uuliyiin ka socda dhanka Xukuumaddiisa.

Biixi ayaa tilmaamay “in wixii hadda ka dambeeya aanay cafis lahayn qofkii ka qaybgala Siyaasadda Soomaaliya” balse loo gudbin doono Maxkamadda Awoodda u leh in ay xukun ku riddo sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa Hay’adaha nabadgalyada faray in ay gutaan shaqadooda la xiriirta fulinta go’aankaan labada Gole kasoo baxay isla markaana uu saxiixay Muuse Biixi Cabdi si loo qabto dadka jebiya xeerkaan.

Ad
Previous articleWasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo Ka qeyb galay Shir ay yeesheen Golaha Nabada iyo Amniga Midowga Afrika
Next articleGuddiga Doorashada Soomaaliland oo bilaabay Diiwaan galinta Odayaasha Soo xulaya Ergada (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here