Home Wararka Maanta Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo Ka qeyb galay Shir ay yeesheen Golaha Nabada...

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo Ka qeyb galay Shir ay yeesheen Golaha Nabada iyo Amniga Midowga Afrika

0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka qeyb-galay kulan ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Amniga Ee Midowga Africa.

Kulanka oo ku qabsoomay Aaladda Fogaan aragga ee (Zoom Meeting) ayaa looga hadlay Qorshaha ay Dowlada Soomaaliya kula wareegi lahayd Amniga Dalka iyo qorshaha bixitaanka Amisom, Sidoo kale CXDS ay u Hoggaamin lahaayeen Howlgalada ka dhanka Argagixisadda.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in DFS ay dadaal Xoog leh galisay Tababaridda iyo Tayeynta CXDS isla markaana Dowladu ka go’an tahay Xaqiijinta Amniga Guud ee Dalka iyo Dagaalka ka dhanka ah argagixisadda
,kulankan ayaa daba Socaday kulamo Midowga Africa iyo DFS ay ka yeelanayeen Xaalada Kala Guur Ciidanka oo Qorsheheedda Mudo Soo Socday.

Ad
Previous articleShirka Qorshaha Galmudug oo Maanta Lagu Soo Gaba gabeeyay Dhuusamareeb (Sawiro)
Next articleMadaxweyne Biixi ” Cafis malahan qof ka qeyb qaatay Siyaasadda Soomaaliya ka jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here