Home Wararka Caalamka Madaxweyne Biden: Maxkamadda Sare waxay samaysay go’aamo xun

Madaxweyne Biden: Maxkamadda Sare waxay samaysay go’aamo xun

0

Dhaleecayn dheeraad ah ayaa ka timid Madaxweyne Biden oo ku aaddan go’aankii maxkamadda sare ee Jimcihii ee meesha looga saaray xuquuqda dastuuriga ah ee ilmo iska soo rididda. Xukunka, ayuu ku tilmaamay mid ‘xanuun badan’ iyo in uu ‘waxyeello’ u ahaa dad badan oo Maraykan ah.

Waxa uu sheegay in maamulkiisu uu si dhow ula socon doono sida dowlad-goboleedyadu u hirgeliyeen mamnuucidda ilmo iska soo xaaqidda — gaar ahaan haddii ay ku xad-gudbi karaan xuquuqaha dastuuriga ah iyaga oo ka hortagaya dadka ka soo gudbaya xudduudaha gobolka si ay u raadsadaan ilmo iska soo xaaqid.

Mudaaharaadyo kale ayaa ka dhacay bannaanka hore ee Maxkamadda Sare, kuwaasoo isugu jiray kuwo lagu taageerayo iyo kuwo looga soo horjeedo xukunkii Jimcihii.

 

 

Ad
Previous articleRa’isul Wasaaraha cusub oo ka Qeyb-galay xuska 26 June, kana hadlay Arima Muhiim ah
Next articleGudoomiye aadan madoobe oo ku baaqay in Soomaaliland degdeg losoo Qanciyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here