Home Wararka Caalamka MadaxweynahaTurkiga oo Armenia Hanjabaad culusna u diray Xili Dagaal Qaraar uusocdo

MadaxweynahaTurkiga oo Armenia Hanjabaad culusna u diray Xili Dagaal Qaraar uusocdo

0

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya dalalka Armenia iyo Azerbijian ayaa kasoo cusboonaaday xadka labadaasi dal wadaagaan, waxaana dagaalkaasi oo saacado socday ku dhintay in ka badan 100-askari oo kasoo kala jeeda labada dal.

Madaxweynaha Turkiga Rejab Tayyib Erdogan oo xiriir dhaw la leh dalka Azerbijian ayaa si kulul ugu eedeeyay dagaalka bilowday in ay sababteeda leedahay dowladda Armenia, waxa uuna sheegay in Armenia jabisay heshiis xabbad joojin ah oo horey loo gaaray.

Erdogan ayaa  sheegay in hab-dhaqanka dowladda Armenia ee ku aaddan Azerbaijan uu yahay mid aan la aqbali karin, isla markaana ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo weyn, waxa uuna ugu baaqay Armenia in wadada qaldan kasoo laabato kana shaqeyso nabbada.

“Waxaan u aragnaa inay tahay wax aan la aqbali karin in xaaladdii dhacday ay sabab u tahay jabinta Armenia ay ku xad-gudbeen heshiiskii – la gaaray kadib dagaalkii (2020) ee Azerbaijan ku guuleysatay,Waxaan rajeyneynaa in Armenia ay sida ugu dhaqsaha badan uga soo laabato wadadan qaldan, ayna waqtigeeda iyo xooggeeda u isticmaasho xoojinta nabadda” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Armenia habdhaqankeeda xun uu u horseedayo cawaaqib xumo aan laga soo kaban, waxa uuna xusay in dagaalka ay horseedeyso Armenia uusan marnaba dan ugu jirin .

Dowladda Ruushka ayaa horey heshiis xabbad joojin ah u u kala dhax dhigtay dalalka Armenia iyo Azerbijian, waxaana dagaalkii dhacay maalin kahor abuuray cabsi ah in mar kale labadasai dagaal culus ka dhax qarxo.

 

 

Ad
Previous articleSalman Cabdullahi Cismaan oo si arxan darro ah loogu dilay magaalada Queestown
Next articleAlshabaab oo Xalay Weerar Culus lagu Qaaday Lagana Dilay 18 Dagaal yahan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here