Home Wararka Maanta Madaxweynaha Soomaaliya oo Dalka dib ugu Soo laabtay

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dalka dib ugu Soo laabtay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah oo qaadatay afar maalmood ku joogay waddanka Ereteriya ayaa dalka dib ugu soo laabtay.

Booqashada Madaxweynaha ayaa salka ku haysay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo u kuur-galidda xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin ciidamada Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu ku sugnaa dalka Ereteriya waxaa uu xerooyinka ku booqday Ciidamada Soomaaliya loo tababarayo, kuwaas oo muddo sanado ah wacaalkooda la la’aa, isla markaana waalidiintooda ay ka walaacsanaayeen.

Labada Madaxweyne ayaa gunaanadkii booqashada kala saxiixday heshiis is af-garad oo taabanaya dhinacyo kala duwan oo ay kamid yihiin niga, Siyaasadda iyo Ganacsiga

Ad
Previous articleXukuumadda Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka oo mar kale yeeshay kulan
Next articleDalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo oo si rasmi ugu biirtay ururka dalalka Bariga Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here