Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Hir-Shabeelle & taliyaha xoogga oo gaaray degaanka Masaajid Cali Gaduud

Madaxweynaha Hir-Shabeelle & taliyaha xoogga oo gaaray degaanka Masaajid Cali Gaduud

0

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed General Odowaa Yusuf Raage iyo Wasiir kuxigeenka Wasaarada Gaaashaandhiga Soomaaliya Abdifatah Kasim ayaa gaaray Degaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabellaha Dhexe oo dhawaan laga xureeyey Al-Shabaab

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo Maalmahan ku sugnaa Degaanka iyo saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa kuso dhaweeyey Degaanka.

Mas’uulyiinta ayaa si wadajir ah uso indha indheeyey xaalada Degaanka  oo muddo badan gacanta ku hayeen Al-Shabaab, balse dhawaan degaankaas laga saaray.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan oo warbixin siiyay madaxda ayaa sheegay xaalada degaanka ay tahay mid Amni ah oo leysku haleynkaroh

Gudoomiyaha ayaa sido kale xusay in shacabka ay u baahanyihiin gargaar iyo in Degaanka laga hirgiliyo Adeegyada aas aasiga ee Bulshada.

Ad
Previous articleDenmark oo Maxkamad soo taagtay Saddex Dumar ah oo lagu heesto dambi la xiriira,
Next articleErdogan oo ku celiyay dalabka Finland iyo Sweden si ay ugu biiraan NATO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here