Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweynaha Galmudug oo Xariga ka jaray Schoolka Cadaado (Sawiro)

Madaxweynaha Galmudug oo Xariga ka jaray Schoolka Cadaado (Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, oo howlo shaqo u jooga degmada Cadaado ayaa xariga ka jaray Dugsiga Sare ee degmada Cadaado, waxaana madaxweynaha ku wehlinayay xarig jarka Wasiirka Waxbarashada Dowladda Galmudug, Maxamed Xaashi Dhoore, wasiiro iyo xildhibaano katirsan Galmudug, maamulka dooran ee degmada Cadaado iyo xubno kale, iyadoona maamulka degmada Cadaado ay soo dhaweeyeen xarig jarka dugsigan.

Wasiirka Waxbarashada Dowladda Galmudug, ayaa xusay in iskuulkan iyo kuwa kale oo goor dhow la xarig jari doono ay kamid yihiin adeegyada Wasaaradda waxbarashada Galmudug ay u hayso shacabka iyo ardayda Galmudug, waxaana uu wasiirku ka codsaday madaxweynaha in uu xariga ka jaro dhowr iskuul oo kale, maadaama goor dhow uu furmayo sanad dugsiyeedka 2022-2023.

Madaxweynaha ayaa xusay in Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ay kasoo dhalaashay fulinta adeegyada waxbarasho ee horay loo darsay, isagoona madaxweynaha xusay inuu ka jawaabayo codsiga Wasaaradda ee ah xarig jarka dugsiyada kale ee wasaaraddu dhistay. Madaxweynaha ayaa guud ahaan hambalyo u diray ardayda imtixaanaadka ku galay Galmudug, waxana uu si gaar ah ugu hambalyeeyay ardaygii galay kaalinta 9aad, kaas oo imtixaanka ku galay degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Ugu danbayn, madaxweynaha ayaa kormeeray saldhigga booliska iyo dhismaha Maxkamadda sare ee degmada Cadaado, oo gabi ahaanba ah dhisme cusub oo dhawaan la hirgaliyay.

Ad
Previous articleWasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya iyo Safiirka Mareykanka oo Kulan gaar ah yeeshay (Sawiro)
Next articleTaliska NISA ee Gobalka Gedo iyo saraakiil Itoobiyaan ah oo gaaray Heshiis

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here