Home Wararka Caalamka Madaxwaynaha Maraykanka Oo Hanjabaad Culus udiray Ruushka Xili weerar Isku Diyaarinayaan

Madaxwaynaha Maraykanka Oo Hanjabaad Culus udiray Ruushka Xili weerar Isku Diyaarinayaan

0

Dowladda Mareykanka ayaa hanjabaad culus hawada u marisay dowlada Ruushka oo xiligan isku diyaarineysa duulaan ay ku qaadaan dalka Ukraine, waxaana laga digay dhibaatooyin badan oo ka dhalan kara duulaankaasi.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden , ayaa ka digay duulaan uu u maleenayo in Ruushka ku qaadayaan dalka Ukraine, waxa uuna caddeeyay in Mareykanka jawaab adag ka bixin doono hadii ruushka ku duulo dalka Ukraine.

Joe Biden ayaa sheegay in dowladda Ruushka iyo hogaamiyahooda Putin in ay wajihi doonaan cunaqabateyn abidkii aan soo marin hadii ay ka dhabeeyaan duulaanka ay ku yihiin Ukraine, isagoona uga digay in ay duulaan ka waantoobaan.

“Waxay ku xirnaan doontaa sida ay wax u dhacaan, balse haddii ay dhab ahaantii sidaa sameeyaan oo ay adeegsadaan ciidamada ay xadka Ukraine soo dhoobeen waxay noqon doontaa musiibo Ruushka ku timid, waa haddii ay isku dayaan iney Ukrine qabsadaan. Xulafada iyo saaxibbadeenadaba waxay diyaar u yihiin inay qasaaro iyo waxyeello la taaban karo u geystaan Ruushka iyo dhaqaalahiisaba.” ayuu yiri Biden.

Ad
Previous articleHay’ada Socdaalka Jinsiyada Soomaaliya oo Xarun Muhim ah Ka Furtay Magaalada Muqdisho(Sawiro)
Next articleDalalka Lagu Tagi Karo Baasaboor Soomaaliga Visa la,aanta Oo kordhay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here