Home Wararka Somaliya Madaxdii Hore ee Dalka oo ka Hadlay Geeridii Cali Mahdi

Madaxdii Hore ee Dalka oo ka Hadlay Geeridii Cali Mahdi

0

Shariif Sheekh Axmed Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynihii hore ee dalka uu ahaa hoggaamiye ku sifoobay nabadoonimo, dadaal badan ku bixiyay in Soomaaliya ay hagaagto.

War kasoo baxay Shariif ayaa sidaan u qornaa:

INAA LILLAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Waxaan murugada la qaybsanayaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed anigoo uga tacsiyeynaya geerida Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed oo Nairobi ku geeriyoodey.

Wuxuu dalka usoo shaqeeyey xilli adag isagoo qayb ka qaatay shirar badan oo dib u heshiisiineed oo Soomaalida gudaha iyo banaankaba loogu qabtay.

Waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa qoyskiisa iyo qaraabada, Allaha u naxariisto Samir iyo Iimaanna Allaha naga siiyo.

Si lamid ah waxaa Tacsi diray Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud waxuu Tacsi u diray dhamaan Ehel iyo Qaraabo Meel.kasta oo ay joogaan waxuuna Alle uga raxeeyay in Janada uu ka waraabiyo

Ad
Previous articleAkhriso Taariikh nololeedka Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed
Next articleMadaxweyne Farmaajo ” Muddo 3 Maalin ah Calanka ayaa hoos Loo dhigayaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here