Madaxda Maamul Goboleedyada oo Diidan Xukumada dhawaan U shaaciyay P.M Xamse Cabdi Barre(Xog)

Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa kasoo horjeeda golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya ee uu ku dhowaaqay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, sida aan ogaanay

Madax goboleedyada oo inta badan soo dhoweyn jiray ama hambalyeyn jiray isbeddelada siyaasadeed ee waa weyn ee dalka ka dhaca, ayaa illaa hadda ka aamusan magacaabista golaha wasiirada, taasi oo sida aan xog ku helnay, astaan u ah qanaaco la’aantooda.

Ilo-wareedyo kala duwan ayaa sheegay in madax goboleedyada ay ka careysan yihiin inaan laga talo-gelin wasiirada ka imanaya deegaanadooda, halka qaarkoodna loogu daray in lasoo magacaabay rag ay siyaasad ahaan aad isu diidan yihiin.

Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ayaa dhaliilsan inaan wax talo ah laga siin xubnaha matalaya deeganadooda, halka Saciid Deni, Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ay usii dheertay in xilal sare loo dhiibay siyaasiyiin aysan is arki karin.