Home Wararka Maanta Ciidanka amniga oo ka hortegay Alshabaab weerar ka abaabulaysay Muqdisho

Ciidanka amniga oo ka hortegay Alshabaab weerar ka abaabulaysay Muqdisho

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar ay ka hortageen ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kadib howlgal ay xalay ka sameeyeen qaybo ka mid ah degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Taliyaha qaybta bari ee Booliska Cali Calasow Goofjooge oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey howlgalkaasi, wuxuuna sheegay in looga hortegey weerar ay qorsheysay kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay ka dul dhaceen ciidamada Booliska Somalia oo ka war helay.

Goofjooge ayaa shaaca ka qaaday inay heleen xog ku aadan qorshaha weerarkaasi, ayna fashiliyeen, intii ay is diyaarinayeen raggii fulin lahaa, sida uu hadalka u dhigay,

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in bartilmaameedka uu ahaa inay weeraraan xarun ku taalla isla degmada Warta Nabadda, balse ma shaacin goobtaas iyo waxa ay tahay.

Inta uu howlgalka socday wuxuu sheegay inay dhacday israsaaseyn, isla-markaana ay gacanta kusoo dhigeen mid ka mid ah ragga weerarka diyaarinayey iyo qoray uu watay.

“Nimankii dhagar-qabayaasha ahaa oo raba inay weeraraan rug ku taalla degmada Warta Nabadda, inta ay is diyaar gareynaayeen laga qabtay. ayagii ayaa loo diyaar garoobay hortood la arkay la xabadeeyey nin iyo qorigiisna waa laga qabtay,” ayuu yiri taliyuhu.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Micnaheedu waxay ku tusinee dadaalka la wado, shaqada iyo isku xirnaanta inay dhan kasoo muuqanayaan,”.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan Muqdisho uu ka socdo howlgal culus oo lagu sugayo amniga, sidoo kalena lagula dagaalamayo burcadda iyo ciyaal weerada

 

 

 

Ad
Previous articleGolaha Xiriirka Maraykanka-Islaamka oo dhaleeceeyay dadaalada Maraykanka ee macluusha Soomaaliya
Next articleMadaxda Maamul Goboleedyada oo Diidan Xukumada dhawaan U shaaciyay P.M Xamse Cabdi Barre(Xog)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here