Home Wararka Maanta Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo Saakay Xiran Xili Shirka Madaxda Dalalka Safka...

Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo Saakay Xiran Xili Shirka Madaxda Dalalka Safka Hore uu Socdo

0

Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa saaka oo Arbaca ah u xiran ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dowladda federaalka ayaa ku sababaysay “adkeynta ammaanka”, maadaama shir caalami ah uu maanta ka qabsoomayo.

Hogaamiyeyaasha dalalka dariska ee safka hore loo yaqaano sidda Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa la filayaa in ay soo gaaraan magaalada, halkaasoo shir muhiim ah ay kaga qeyb galayaan.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayay kala qeybgelayaan shir ku saabsan la dagaalanka Al-Shabaab iyo masiirka ATMIS.

Kulan gogol xaar u ah shirkan ayey shalay magaaladan ku yeesheen wasiirada Gaashaandhigga iyo taliyayaasha ciidamadda ee dalalkan, waxaana la filayaa in madaxda dalalkan ay isla meel dhigaan ciribtirka Shabaab oo dhibaato ku ah ammiga dalalkan.

Ad
Previous articleSomalia oo mar kale ka soo muuqatay Liiska wadamada ugu Musuqa badan Caalamka
Next articleMadaafiic Lagu Garaac Xafada ku Teedsan Villa Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here