Home Wararka Somaliya Jubbaland Maamulka Jubaland Wayrax Khaliif Yuusuf iyo Yuusuf Xuseen Cabdi oo Haray Dilal...

Maamulka Jubaland Wayrax Khaliif Yuusuf iyo Yuusuf Xuseen Cabdi oo Haray Dilal ugaystay

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay labo Askari oo horay dilal kala duwan uga gaystay magaalada Kismaayo.

Ragga Qisaasta lagu fuliyay saaka ayaa kala ahaa gacan ku dhiigle Wayrax Khaliif Yuusuf oo 25-kii November 2020-kii dil u gaysatay Marxuumad Xaliimo Cali Roobow, Sidoo kale Yuusuf Xuseen Cabdi ayaa isna dilay Marxuum Dable Xoogga Dalka Cabdullaahi Cali Suuli Taariikhdu markay ahayd 17-Nov-2021.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland ayaa xukunka dilka toogashada ah ku dhawaaqday 29-June-2022-ka.

Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland G/dhexe Bashiir Maxamuud Xareed oo warbaahinta kula hadlay goobtii qisaasta ay ka dhacday ayaa faahfaahiyay go’aamada kaso baxay maxkamadda.

Labo maalin kahor ayeey ahayd markii sidan oo kale xukun Qisaas ah loogu fuliyay labo askari oo horay dilal kala duwan uga gaystay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Ad
Previous articleGalmudug oo Degmo Dhawaan lagu Dhawaaqay Ka Daahfurtay Dhismaha Golaha Deegaanka(Sawiro)
Next articleCiidamada Booliska Gobalka Banaadir oo ka Hadlay Qaraxyo ay Saakay Qabteen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here