Home Wararka Somaliya Maamulka Galmudug oo soo dhaweeyay Tilaabada ay qaaday Dowlada Mareykanka

Maamulka Galmudug oo soo dhaweeyay Tilaabada ay qaaday Dowlada Mareykanka

0

Wasaaradda Amniga maamulka Galmudug ayaa soo dhaweysay in liiska Argagixisada lagu daro Afhayeenka ururka Al-Shabaab iyo sidoo kale mid kale oo ka mid ah ururka, waxaana Galmudug ay sheegtay in dhibaato badan ay ku hayeen degaanada Galmudug.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sidoo kale xustay in tilaabadaan ay soo dhawweynayaan ayna kala shaqeyn doonaan dowladda Mareykanka sidii gacanta loogu soo dhigi raggaasi.

Sida ku cad war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka, afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere iyo Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo sida uu Mareykanka sheegay ku magac dheer Ikrima ayaa ka mid ah liiska shan xubnood oo ka tirsan kooxaha jihaad doonka ah ee qaaradda Afrika.

Warka kasoo baxay Galmudug ayaa siddaan u qornaa:

Dawladda Maraykanka ayaa liiska argagixisada shakhsiyaadka la baadigoobayo ku dartay laba dilaa oo kooxda argagxisada Shabaab ka tirsan kuwaasoo kala ah Argagixiye Cali Maxamed Raage (Cali Dheere) iyo Argagixiye C/qaadir Maxamed C/qaadir (Cikrima).

Waxaan soo dhowaynaynaa in makarafoonkii argagixisada ee sheegan jiray danbi kasta oo umadda Soomaaliyeed lagu xasuuqayo Cali Dheere uu ka mid noqday shkhsiyaadka la bartilmaameedsanayo ee ku jira liiska argagixisada, waxayna tallaabadani tilmaamaysaa in ruuxii doorta dhibaatayna dadkiisa uu cawaaqib xumo ku danbayn doono.

Argagixiye Cali Dheere iyo Cikrima waxay ka mid ahaayeen kuwa dadka reer Galmudug dhibaatada ku haya, bartilmaameedsigooduna wuxuu ka qeyb ka noqon doonaa nabadda iyo xasiloonida Galmudug iyo Soomaaliya inteeda kale

Ad
Previous articleDowlada Mareykanka oo Liiska Argigixisada ku dartay Labo Xubnood oo Shabaab ku jira
Next articleKhilaafka Guddiga Doorashada Goballada Waqooyi oo sii xoogaystay iyadoona garabka Mahdi guuleed ay isdoorteen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here