Home Wararka Somaliya Khilaafka Guddiga Doorashada Goballada Waqooyi oo sii xoogaystay iyadoona garabka Mahdi guuleed...

Khilaafka Guddiga Doorashada Goballada Waqooyi oo sii xoogaystay iyadoona garabka Mahdi guuleed ay isdoorteen

0
Guddiga doorashada xidhibaanada gobollada Wuqooyi ee Somaliland ayaa guddoomiye u doortay Khadar xariir Xuseen,oo Cod gacan taag ah ku noqday Gudoomiyaha guddiga waxaana u tanaasulay Maxamed Cabdulahi Jirde oo la tartamayey.
Wasiirka Arimaha gudaha, Wasiiru Dowladda xafiiska Raiisul Wasaaraaha, Taliyaha ciidanka Booliiska, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir,guddoomiyaha guddiga doorashada heer federaalka iyo Guddiga Xaqiijinta qoondada Haweenka ayaa goob joog ka ah doorashada.
Garabka uu soo Magacaabay Gudoomiye Cabdi xaashi Cabdullaahi ayaana goob joog aheen waxaana muuqanaysa in talo faraha ka baxday oo halgarab oo kaliya ay maanta is doorteen.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa laga sugayaa inuu war ka soo saaro Doorashada Maanta ka dhacay Teendhada Afisyooni ee Muqdisho
Ad
Previous articleMaamulka Galmudug oo soo dhaweeyay Tilaabada ay qaaday Dowlada Mareykanka
Next articleSanater dhegdheer oo Maanta soo gaaray Caasimada Galmudug ee dhuusamareeb {Sawiro}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here