Home Wararka Somaliya Dowlada Mareykanka oo Liiska Argigixisada ku dartay Labo Xubnood oo Shabaab ku...

Dowlada Mareykanka oo Liiska Argigixisada ku dartay Labo Xubnood oo Shabaab ku jira

0

Waaxda Arrimaha Dibedda ayaa Jimcihii shaacisay in lagu daray shan ka mid ah mintidiin Islaamiyiin ah liiska Argaggixisada Caalamiga ah ee Gaarka ah, kuwaas oo u baahan in la xannibo wax kasta oo lahaansho ah .

Tilmaamaha ayaa sidoo kale soo bandhigaya suurtagalnimada cunaqabateynta Mareykanka ee shaqsiyaadka ama hay’adaha maaliyadeed ee shisheeye ee ku lug leh macaamilo gaar ah shanta ruux.

Waxaa ka mid ah Labada hoggaamiye ee kala ah Sheekh Cali Maxamed Raage oo loo yaqaan Cali Dheere iyo Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir oo loo yaqaan Ikrima kana tirsan Ururka Al-Shabaab ee soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Xoghayaha Arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken.

Bonomade Machude Omar, oo ah taliyaha sare ee millateriga kooxda xiriirka la leh Dawladda Islaamka ee Mozambique, xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay “Cumar ayaa horkacayay koox xagjir ah oo dilay tobanaan qof weerar ka dhacay Hotel Amarula oo ku yaal magaalada Palma bishii Maarso”

Blinken ayaa sheegay in laga billaabo maanta ay qasab tahay in la xanibo dhammaan hantida iyo danaha shaqsiyaadkan, laguna soo wargeliyo Xafiiska Xakamaynta Hantida Dibadda (OFAC) ee Waaxda Maaliyadda Mareykanka.

Ad
Previous articleMareykanka oo Liiska Argagixisada ku daray Xubna sare oo ka Tirsan Alshabaab
Next articleMaamulka Galmudug oo soo dhaweeyay Tilaabada ay qaaday Dowlada Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here