Home Wararka Somaliya Galmudug Maamulka Galmudug oo Digniin Adag kasoo saaray Dad doonaya in ay Qalgaliyaan...

Maamulka Galmudug oo Digniin Adag kasoo saaray Dad doonaya in ay Qalgaliyaan Doorashada

0

Madaxweyne ku xigeenka maamulka galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa shir gudoomiyay shirka amniga doorashooyinka Galmudug oo dhacay Dhusomareeb.

Shirka waxaa ka qeyb galay saraakiisha kala duwan ee ciidamada amniga iyo kuwa amisom wasiiro ka tirsan xukuumada Galmudug iyo xubno ka mid ah gudiga doorashooyinka Heer Dowlad gobaleed iyo maamulka caasimada.

Shirka waxaa looga hadlay sugida amniga doorashooyinka dhawan ka dhici doona Guud ahaan dalka gaar ahaan Galmudug.

Taliyaha Boolis Galmudug Gen Khaliif ayaa Madaxweyne kuxigeenka ugu warbixiyay sida ay ugu diyaar garooben sugida Amniga Doorashoyinka Galmudug ka dhacaya gaar ahaan Caasimada Dhusamareeb iyo Magaalada Galkacyo

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa ku amanay Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Galmudug sida ay ugu diyaar garobeen Doorashada waxana u faray in la si labo jibaaro dadaalada logu diyaar garobayo Doorashada Galmudug

“Sida aad wada ogtihiin Galmudug waxay ku jirta dagaal ka dhan ah Al shabaab waxan go,aansanay in Gacana aan Al shabaab ku suulino Gacana aan Doorasho ku galno” ayu yiri Madaxweyne kuxigeen Galmudug Mudane Cali Dahir Ciid.

Ad
Previous articleAkhriso:- Qodobada looga hadlayo Shirka London ee Raisal Wasaare Rooble ka qeyb galayo
Next articlePuntland oo ka hadashey Dadkii lagu Dilay Duleedka Magaalada Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here