Maalqabeenka adduunka oo ay gabadhiisa xiriirka u jartay

Gabadha uu dhalay Elon Musk oo ah maalqabeenka addunka ayaa codsatay in ay si sharci ah u beddesho magaceeda iyo jinsigeeda, iyada oo sheegtay in aanay doonayn in ay “Marnaba la xiriirto aabaheed”.

Gabadhan oo 18 jir ah ayaa codsatay in loo aqoonsado inay dumar tahay, waxaana magaceeda lagu sheegay Vivian Jenna Wilson. Waxaa markii hore loo yaqaanay Xavier Alexander Musk.

Codsiga magaca beddelka iyo warqadeeda dhalashada ayaa laga xareeyay Maxkamadda Sare ee Degmada Los Angeles ee Santa Monica.

Codsigeeda waxa lagu dhejiyay dukumeenti maxkamadeed oo la xareeyay bishii Abriil, kuwaas oo dhawaan uun soo shaac baxay.