Home Wararka Somaliya Somaliland Leylo Cabdi Maxamed oo Sabab yaab leh isug Dishay Hargaysa?

Leylo Cabdi Maxamed oo Sabab yaab leh isug Dishay Hargaysa?

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya, in gabar ardayad aheyd oo wax ka baran jirtay mid ka mid ah iskuullada magaalada ay is daldashay,

Leylo Cabdi Maxamed ayaa meydkeeda laga helay hoygeeda oo ku yaalla xaafada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.

Aabe Cabdi Maxamed oo dhalay Leyla ayaa xaqiijiyey in gabadhiisa ay nafta is dhaafisay, uuna si weyn uga murugeysan yahay falka ay ku dhaqaaqday.

Wararka ayaa sheegaya in Leyla au qudha iska jartay markii ay ka ka war heshay iney ka gudbi weysay imtixaanka shahaadiga ee Somaliland ee natiijadiisa shalay lagu dhawaaqay.

Asxaabta, ehelada iyo deriska Marxuumada ayaa sheegay in Leyla ay aheyd gabar akhqaal leh, degan, waxbarashada aad ugu dedaali jirtay, ayna amini weysay iney ku dhacday imtixaanka sidaas awgeedna ay isku daldalashay, waxayna sheegeen inuu filan waa ku noqday falka ay ku kacday, ayna aad uga naxeen.

Inkastoo dadka isdaldala ay sanadahan ku soo badanayeen Soomaalida haddana ardayda iyo dadka la midka ah ayaan looga baran iney ku kacaan falka isdilka ah oo shareecada islaamku ay xaaraan-tinimeysay.

 

 

 

Ad
Previous articleWeerar toorey loo adeegsaday oo lagu Laayay Ciidamo Ka tirsan Booliska London (Sawirro)
Next articleMadaxweyne kuxigeenka Arjantiin oo ka hadashey dil ay ka badbaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here