Home Wararka Maanta Kuuriyadda Waqooyi oo tijaabisay gantaal Hor leh Xili maraykanka Xiisad Culus kala...

Kuuriyadda Waqooyi oo tijaabisay gantaal Hor leh Xili maraykanka Xiisad Culus kala Dhaxayso(Sawiro)

0

Kuuriyadda Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal ballatic ah, iyadoo ka jawaabaysa dhuula-tus malatari oo ay si wada jir ah xadka uga samaynayaan Kuuriyadda Koonfureed, Japan iyo Maraykanka, waana gantaalkii 41-aad ee ay ridday sannadkan 2022.

Kuuriyada Waqooyiayaa waxay dhoola-tusyada wada jirka ah u aragtaa qorsheynta duulaan, waxayna qaadaysaa “tallaabo militari oo xooggan”.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale ku guuleysatay tijaabinta labo gantaal oo istiraatiiji ah oo riddada dheer Arbacadii, iyadoo hogaamiye, Kim Jong-Un uu si shaqsi ah u hagayay tijaabada.

Waxaa jira walaac isa soo taraya oo laga qabo in Kuuriyada Waqooyi ay mar kale sameyso tijaabooyinka nukliyeerka iyadoo ay sii xumaaneyso gacanka Kuuriya.

Ad
Previous articleWar Hada Ah: Xisbiyada Garabka Midig ee Sweden oo ku Heshiiyay Dowlada Cusub
Next articleÅkesson oo ka hadlay siyaasadda cusub ee socdaalka ee Sweden: “Shuruudaha la xoojiyay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here